Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip
Erdogan ayaa ugu hanjabay wadanka Netherland inay ka qoomameyn doonaan dhaawaca
soo gaaray xiriirka labada dal kadib markii dowlada Netherland ay u diiday
dalkeeda inay soo galaan labo wasiir oo Turkish ah.
Labadan wasiir ayaa loo diiday inay qudbad u jeediyaan jaaliyada Turkiga ee ku
nool dalka Netherland oo ku soo ururay qunsuliyada ku taal magaalada Rotterdam.
Dowlada Netherland ayaa sheegtay in isu soo baxaas
uu halis gelin karo ammaanka dalkeeda iyadoo maalmo uun ay ka harsan tahay
doorashada guud ee dalka Netherland ama Holland.
Xiriirka Turkiga iyo dhowr dal oo ka tirsan Midowga
Yurub ayaa xiriirkoodu u xumaaday banaanbaxyada ay dhigayaan jaaliyadaha
Turkiga ee dalalkaas ku nool.
Banaanbaxyda ayaa ah mid lagu doonayo in jaaliyada
Turkiga ee dalalkaas ku nool inay ka qeybqaataan aftida ah in awooda
Madaxweynaha Turkiga la ballaariyo.
Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay wadamada reer
Galbeed Islam Neceyb waxana uu ku baaqay in ururada caalamiga ay ku soo rogaan
cunoqabatayn dalka Netherland.
“Waxaan u malaynayay in xilligii Nazigu uu
dhamaaday, laakiin waan qaldanaa waayo Nazinimada waxa ay weli ka jirtaa
wadamada reer galbeedka,”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Balse waxa uu Erdogan ammaanay dalka Faransiiska oo
u oggolaaday muwaadiniinta reer Turkey in ay isku soo baxaan uuna qudbad u
jeediyo Mr Cavusoglu.
Ra’iisal Wasaaraha Netherland Mark Rutte ayaa ka
dalbaday Madaxweyne Erdogan inuu ka bixiyo cudurdaar isla barbardhigga uu ku
sameeyay wadankiisa iyo Naziga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]