Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Kaddib gadood maalintii
shalay ay sameeyeen qaar ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka
cabanayay mishaar la’aan mudo dheer soo wajahday, ayaa dhinaca kale waxaa soo
baxay warar sheegayay in uu is casilay
taliyaha ciidamada xoogga dalka S/Gaas Max’ed Aadan Axmed.
Hadaba taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama
jiraan ku tilmaamay wararka lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha bulshada ee sheegayay
in uu iska cislay xilka taliyaha ciidamada.
‘’Waa waxba kama jiraan wararka ku saabsan in aan shaqada
iska casilay, waana lala xisaabtami doonaan kuwa wararkaa faafiyay’’ ayuu yiri
taliyaha.
Gadoodka ciidamada kaddib ayaa waxaa soo baxay eedeymo qaar
ka mid ah saraakiisha ciidamada militariga u jeediyeen taliyaha oo ay ku
eedeeyeen in mishaarkoodii uu u weeciyay dhinaca ciidamada ku sugan deegaannada Puntland, hasse ahaatee eedeyntaa
kama uusan hadlin taliyaha.
Ugu danbeyntii, tallaabada ay qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed maalntii
shalay ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd oo ay sameeyaan iyaga oo cabanaya
mishaar la’aan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]