4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2017
Gudiga abaaraha Hirshabeelle oo lagu wareejiyay 150,000 oo doolar

Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) – Guddiga Qaran ee Gurmadka Gargaarka abaaraha  ayaa maanta ku wareejiyay deeq lacageed oo gaareysa 150.000 oo dollar guddiga Gurmadka Abaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wareejinta deeqdan lacageed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle mudane Cabdi Xuseen Geedi iyo xildhibaano kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Xubin ka socday ka socda gudiga abaaraha Xuseen Dhiblaawe Casir ayaa ku wareejiyay Jeeg ay ku qoran tahay 150,000 oo Dollar guddoomiya guddiga gurmadka abaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiya ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Gudigan oo dhawaan uu magacaabay madaxweynaha maamulka Hirshabeele si wax looga qabto xaalada abaarta ayaa laga filayaa in deeqday lagu wareejiyay ay ku caabiyaan dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan deegaannada uu maamulkan ka arimiyo ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]