4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2017
Xiisada u dhaxeysa Turkiga iyo Holland oo meel sare gaartay

Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) – Boqolaal qof oo ah taageerayaasha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa iyagoo calamo sita isugu soo baxay dibadda qunsuliyadooda magaalada Rotterdam, ka dib markii xukuumadda Netherlands ay u diidday wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga inuu magaalada khudbad ka jeediyo.

Maxaddad TV ayaa soo warisay in wasiirad ka tirsan xukuumadda Mr Erdogan ay joojiyeen booliska Netherlands ayadoo u sii socotay qunsuliyadda si ay khudbad ugu jeediso dadkii halkaa isugu soo baxay.

Goor sii horreysay ayuu madaxweyne Erdogan ugu yeeray golaha wasiirrada ee Dutch-ka inay yihiin “haraadigii Naasiyiinta” bacdamaa ay is hor taageen booqashadii wasiir-arrimo-dibadeedkiisa.

Ra’iisul wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid waalli ah.

Wasiiradda arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya oo isku dayday inay gaarto halka mudaaharaadku ka socday ayey boolisku u diiddeen, ka dibna waxay u kaxeeyeen dhinaca xudduudda Jarmalka, ayagoo markii dambena dalka ka eryey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]