4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2017
Ciidamo gadoodsan oo la wareegay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho


Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) – Ciidamo ka militariga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw la wareegay qeybo badan oo ka mid ah magaalada caasimada ah Muqdisho, iyaga ka cabanaya mishaar la’aan.

Ciidanka qaar ayaa u dhaqaaqay dhanka xaafadda Buulo Xuubey,iyaga oo joojiyay dhamaaba ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gadiidka.

Ciidamadan ayaan wax dhibaato ah u  geysan dadka shacabka ah, marka laga reebo kala xireen qeybo muhiim ah oo caasimada ka tirsan.

Waa gadoodkii ugu ballaarnaa oo ay caasimada ka sameeyeen ciidamada xili dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmajo horay u ballanqaaday in ay bixineyso mishaarka ciidamada iyo shaqaallaha dowladda.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]