Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) – Magaalada Kismaayo waxaa ka
soconaya qaban qaabo iyo diyaar garoow la xiriira howlgal ka dhan ah xoogagga
Al-shabaab, iyadoo maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay in maalamaha soo socda uu
bilaaban doono.
Wararka ayaa intaa ku darray in ay qeybo ka mid ah deegaannada Jubbooyinka
lagu arkayo diyaarado jawi hoose u duulaya.
Diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin qoryaha
ayaa la ogeyn dalalka laga leeyahay, balse waxaa la sheegay inay ka qeyb qaadan
doonaan gulufka dagaal ee Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.
Howl gallo ay si wadajir u fuliyeen ciidamada Jubbaland, kuwa Kenya iyo
ciidamo Mareykan ah oo diyaarado ay taageerayaan ayaa todobaadyo ka hor ka
dhacay deegaano u dhow degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, waxaana ay weerar ku
qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen.
Ugu danbeyntii. Al-Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa Gobolka Jubadda
Dhexe, waana gobolka kaliya ee ay si guud degmooyinkiisa u maamusho, waxaana la
sheegaa inuu yahay gobolka ay ku sugan yihiin saraakiisha sar sare ee
Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]