4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2017
Mid ka mid ah shaqaalaha Tvga Universal oo qarax lagu dhaawacay

 Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) –Mid ka mid ah howlwadeenada ama shaqaalaha Tvga Universal oo lagu magacaabo C/Xamiid Karasaay ayaa goor dhaw lagu dhawaacay qarax loogu xiray gaarigiisa degmada Xamar –weyne ee gobolka Banaadir.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in gaariga oo wadada marayay uu qarxay, waxaa dhaawac ka soo gaaray gabar wadada mareysay.

Qaraxyada gaadiidka lagu xiro ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana ay noqdeen kuwo ugu fudud ee loo adeegsado falalka khaarijinta.

Ugu danbeyntii, todobaadyadii u dambeeyay ayaa qaraxyo gaadiidka lagu xiro waxaa lagu dilayay dad kala duwan oo isugu jira Ganacsato iyo Macalin Iskuul.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]