Sabti, Maarso ,11, 2017 (HOL)- Kalfadhigii golaha Wakiiladda ee maanta
ayaa waxa ka dhashay buuq iyo qaylo ay sabab u tahay ka dib markii ajandaha
kalfadhiga lagu soo daray xeerka Baananka Ganacsiga oo ay xildhibaanadda
qaarkood sheegeen inay ku jirto xeer xalaalaynaya Ribadda.
Xildhibaanadan ayaa sheegay in
ajandaha kalfadhigan qodobka sideedaad ku jiraan xeerka Ganacsiga Baananka oo ay ku
doodayaan in lagu dhex qarinayo xeer xalaalaynaya in Ribaddda lagu shaqeeyo.
Fadhigan waxa shirgudoominayey
gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaanay
mudanyaaashu cod gacan taag ah ku meel mariyeen ajandaha saddex iyo sodonaad ee
golaha wakiilada oo uu qayb ka yahay Xeer Bangiyadu.
Fadhigan golaha wakiilada oo uu
hadheeyay buuq iyo sawaxan lagu dalbanayay in kalfadhiga laga saaro xeerka
bangiyada oo Afartii Sanno Ee Lasoo Dhaafay horyaalay golaha halka qaarkoodna soo jeediyeen in lagu daayo ayaa
Guddoomiyahe Baashe golaha ka codsaday
inay cod ku diidaan ama ku ogolaadaan.
“Ajandaha Kalfadhiga saddex iyo sodonaad ayaa
waxa Cod gacan taag ah ku meel mariyay 26 Mudane waxaana diiday 11 mudane
waxaana ka Aamusay Shan Xildhibaan guddoomiyahuna muucodayn”sidaas ayuu yidhi
guddoomiye ku xigeenka 1aad oo
fadhiga guddoominayay inuu ku Ansaxay Ajandaha Golahu Ku hawl gali doono.
Xildhibaanadda ayaa qaarkood
sheegayeen in xeerkan yahay kii Baananka ganacsiga, halka kuwo kale ku
doodayeen inay ku jiraan xeerarka Bankiyadda Ribadda ah, waxaana markii
shirkaasi soo dhamaaday kulan la yeesheen culimadda qaarkood, kuwaas oo kala
hadlayey in ajandaha laga saaro xeerkaasi.
Haseyeeshee, dadka qaar ayaa qaba
inay xeerkan Baananka Ganacsiga ka soo horjeedaan Baananka hore wadanka uga
jiray oo diidan in suuqa lala qaybsado, maadaama oo baanankan hadda ka jira
lacag badan saaraan maalgashiga, isla markaana shuruudaha maalgashiguna adag
yahay.
Barkhad-ladiif M.
Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.