4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2017
Gollaha wasiirada Hirshabeelle oo la ansixiyay

 Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL) - Ugu danbeyntii xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay golaha wasiirada xildhibaannada dowlad gobolleedka Hirshabeelle ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Cali Cabdulllaahi Cosoble.

71 xildhibaan oo ka mid ahaa 85 mudane oo maanta xaadiray fadhigii gollaha baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah ku ogolaaday gollaha wasiirada oo ka kooban 52 wasiir.

Golahan wasiirada oo u badan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa hadda u muuqda kuwo codka kalsoonida heysta, waxaana meesha ku soo idlaanaya khilaafkii ka taagnaa sharciyada golahan oo xildhibaannada qaar shaki badan galinayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]