Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha
dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu
horeysay ka hadlay sababtii keentay in Puntland ay degaanada ka joojiso TV-ga
Universal.
Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland aysan ogoleyn in la kici bulsho
iyo dadka lagu dhax faafiyo sida uu hadalka u dhigay dacaayad iyo wax aan waxba
ka jirin.
‘’Dabcan xoriyada saxaafadda waa lagama maarmaan, laakiin qofka wariyaha ah
lama ogolaanayo in wixii uu doono uu iska sheego ama iska qoro, wax kastana
wariyuhu xor uma aha, waad ogotihiin aduunyada waa leys dacweeyaa’’ ayuu yiri
madaxweyne Gaas.
Waxaa uu sidoo kale sheegy in Universal TV uu degaanada maamulka
Puntland ka waday kicinta bulshada dhaqan.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Puntland aysan saxaafadda caburin laakiin
cidii sharciga ka soo tilaabta ay sharciga la tiigsan doonaan.
Ugu danbeyntii, maamulka Puntland ayaa dhawaan Albaabada u laabay xarumaha
tvga Universal ee degaanada maamulka Puntland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]