4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2017
Baarlamaanka Hirshabeelle oo dood ka leh mooshin looga soo horjeedo Golaha Wasiiradda (Wareysi Hiiraan Online)

 

Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL)-   Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta waxaa ay dood adag ay ka leeyihiin in Baarlamanka maanta uu ka doodo Mooshinka ka dhanka ah golaha wasiirada iyo in kale.

“ Balanta waxaa ay aheyd in Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble, uu hor yimaado Baarlamaanka, ka bacdina su’aalo laga weydiiyo 54-ta wasiir ee uu soo magacaabay, kadibna mooshinka maalin kale loo qabto, balse Madaxweynaha oo aan Baarlamaanka imaan, ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo hormariyay dooda mooshinka, taasina waa sababta dhalisay khilaafka maanta ee Baarlamaanka”, sidaasi waxaa Hiiraan Oinline u sheegay Xildhibaan Cabdulwali Sheekh.

Guddoonka Baarlamaanka waxaa uu isku qalday, laba mooshin oo xalay loo geeyay, ayuu hadalkiisa uu sii raacayay Caduwali.

Doodii caadiga aheyd, ayaa isku bedeshay muran iyo in wax la isku qalday.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

Hassan Istiila
[email protected]