4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2017
Koox hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ku dilay wiil dhalinyara ah

 

Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL)- Koox hubeysan, ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ku dilay wiil dhalinyara ah, kadib markii uu diiday in telfoonkiisa uu dhiibo.

Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabijiray Axmed Sheekh Mayoow, waxaa uuna ka mid ahaa dadka deegaanka.

“ Kooxda waxaa ay ahaayeen kuwo ku labisan dareeska ciidanka dowladda, beryihii lasoo dahafay waxaa ay dhac ka wadeen degmadda” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamadda dowladda oo goobta soo gaaray dilka ka dib, ayaa sameeyay howlgallo, balse kuma aysan guuleysan in ay gacanta kusoo dhigaa kooxihii dilka geystay.

Taliyaha hey’adda nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, General Gaafoow, ayaa bishii lasoo dhaafay ee February sheegay in 10 kun oo dollar ay siinayaa qofkii soo sheegay koox dilay qof rayid ah ama shaqaale dowladeed ah.

Hassan Istiila