Dowladaha Somalia iyo Sacuudiga oo ka wada-hadlay sidii Somalia looga Hir-galin lahaa Mashaariic Horumarineed iyo Maal-gashiyo
Khamiis, June, 08, 2017 (HOL) – Shirkan oo looga hadlayay hirgalinta mashaariic ay dowladda Sacuudiga u balan-qaaday Somalia ayaa ka dhacay magaalada Jiddah ,iyadoo goobta ay joogeen madax ka tirsan labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Wasiirada kulankan ka qayb-galay waxaa kamid ahaa wasiirka Qorshaynta , Maaliyad-da, xanaanada xoolaha ,Gaashaandhiga , dekadaha , ganacsiga iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan dowladda Somalia.
Wasiirka Qorshaynta Somalia oo la hadlay HOL ayaa sheegay in shirar muhiim ah oo arintan la xiriira ay labada dhinac yeesheen ,kuwaasi oo si gaar ah diirad-da loogu saaray sidii mashaarciidan loogu hirgalin lahaa sida ugu haboon.
Mashaariicda uu balan-qaaday Sacuudiga ayaa ku kacaya lacag dhan 4bilyan oo dollar sida uu sheegay madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo laba jeer oo hore booqashooyin ku tagay dalka Sacuudiga.
"Wafdigan oo ka koobnaa lix Wasiir iyo dad technical ah ayaa waxay la kulmeen madax kala duwan oo Sacuudi ah, kana wada hadleen mashaariic horumarineed iyo maalgashi “ ayuu yiri wasiirka Qorshaynta Somalia Jamaal Xasan oo ka warbixinayay halka ay waxmarayaan.
“Waa la isku afgartay waxyaalihii laga wada hadlay “ ayuu hadalkiisa sii raaciyay ,waxaana wafdiga ku sugan dalka Sacuudiga hogaaminaya wasiirka Qorshaynta oo rajo wanaagsan ka muujiiyay in Somalia ay heli doonto mashaariic kala duwan.
Ugu danbayn, Somalia ayaa shalay oo Arbaco ahayd ku dhawaaqday go’aankeeda la xiriira cunaqabataynta lagu soo rogay dalka Qadar oo ay xiriirka u jireen dhowr dowladood oo islaam ah ,waxaana dowladda Somalia ay sheegtay in ay dhex-dhexaad ka tahay Khalaafka Khaliijka isla markaana ku baaqday wada-hadal.
Faysal M. Hassan
[email protected]