Adeeggii Astaanta Qaran ee Internetka (dotSO) ee wasaaradaha dowladda oo la bilaabay
Talaado,June, 06, 2017 (HOL) Wasaaradda
Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo
billaabay adeegyadii astaanta internet-ka ee qaranka Soomaaliyeed (dotSO) ee
loogu talagalay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda.
Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo is daba joog ah oo qeyb
ka ah qorshe 90 maalmood ah, oo ay ansixiyeen golaha Wasiirrada, kaasi oo ay
Wasaaraddu ku dooneyso in ay adeeggaas uga dhigto mid si buuxda uga hawl-gala
gudaha wasaaradda.
Bishii May ee sanadkan waxaa si rasmi ah u billowday in
dhammaan wasaaradaha dawladda loo sameeyo emails leh astaanta dowladda ee
(.gov.so). marka la dhammeeyo adeegyada hay’adaha federaalka, waxaa qorshaha ku
jira sidii adeegga dotSO loo gaarsiin lahaa dawlad-goboleedyada, shirkadaha,
waxbarashada iyo guud ahaan shacabka, si muwaadiniintu uga faa’iideystaan
adeeggan ay xaqa u leeyihiin.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada,
Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in isla markii uu xilka la
wareegay inuu mudnaanta 1aad ka dhigtay in adeegga astaanta qaranka ee
internetka uu si habsami leh uga shaqo billaabo dalka, isagoo hoos imanaya
wasaaradda. “Waxyaabo badan ayaa noo hirgalay muddo kooban gudaheed. Waxaan u
mahad celinayaa madaxweynaha, ra'iisul asaaraha iyo golaha wasiirrada oo nagu
taageeray qorshaha aan arrintan u sameynay iyo cid kasta oo nagala shaqeysay
hawshan."
"Astaanta qaranka ee internet-ka waa aqoonsiga aan
ku leenahay internet-ka. Haddii aan isticmaalno waxaan muuqaal wanaagsan ka
bixineynaa wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee aan matalno iyo guud ahaan
dawladdaba. Haddaba waxaan ku wargelineynaa dhammaan hay’adaha dawladda inay
soo dalbadaan cinwaanno (domains) iyo email-o shaqo," ayuu hadalkiisa ku
soo gabagabeeyay wasiirka.