4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2017
Qarax lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo ka dhacay Muqdisho

 

Jimco, June, 30, 2017 (HOL) - Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay maanta Ex-Koontarool Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Danab waxaana qarax loogu xiray gaarigiisa.

Sidoo kale waxaa isla maanta ka dhacay magaalada Muqdisho qarax miino lala eegtay gadiidka ay la socdeen ciidamada AMISOM agagaarka jidka Warshadaha, lamana oga khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan sheegta qaraxyada nuucaan oo kale ah ee lala beegsado saraakiisha ciidamada dowladda federaalka, kana dhaca magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]