4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2017
Maamulka gobolka Bakool oo beeniyay in ciidamo gurmad ah loo diray Mukhtaar Roobow

 

Jimco, June, 30, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo la hadlayay VOA ayaa beeniyay in ciidamo ka baxay gobolka Bakool loo diray deegaanka uu ku nool yahay Mukhtaar Roobow si ay u caawiyaan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa beeniyay in Mukhtaar Roobow ku sugan yahay deegaan lagu magacaabo Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, isaga oo sheegay in deegaankaa ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

‘’Warbaahinta waxaan ka maqlnay in maamulka Koonfur galbeed ciidamo gurmad ah u diray Mukhtaar Roobow oo ay weerar ku hayaan Al-shabaab, waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan jirin ciidamo ka baxay gobolka Bakool oo gacan siinaya Abuu-Mansuur, laakiin waa ay dhici kartaa in ay jiraan ciidamo kale oo ka baxay deegaannada kale ee maamulka Koonfur galbeed uu ka arimiyo’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool.

Laakiin dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay ka war hayaan xiisad ka jirta deegaanka la sheegay in ay ku nool yahay Mukhtaar Roobow, balse waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo mowqifkooda la xiriira Abuu-Mansuur iyo haddii ay gacan militari siinayaan.

‘’Anaga markii horeba xiriir ma laheyn Mukhtaar Roobow, deegaanka ayaan wada degannahay wax colaad ah oo dhinaca kale loo dhaxeysayna ma jirin tan iyo markii ka go’ay garabka Al-shabaab’’ ayuu yiri Maxamed Cabdi Tool.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay su’aal aheyd sida ay ka yeelayaan haddii uu Mukhtaar Roobow ka dalbado taageero militari ayuu sheegay in arintaasi tahay mid u taala maamulka sare ee Koonfur galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]