4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2017
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose

 

Jimco, June, 30, 2017 (HOL) – Wararka ka imaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal khasaare sababay ku dhaxmaray degmada Janaale ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin degaanka Janaale.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, taasi oo sababtay in Dagaalka uu socdo mudo saacado ah, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan ayaa waxaa ku geeryootay 10 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada dowladda markii hore Al-shabaab kala wareegeen deegaankae, balse dib ay uga baxeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]