4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2017
Maxaabiis uu cafis u fidiyay madaxweyne Farmaajo oo xabsiga laga sii daayay

 

Jimco, June, 30, 2017 (HOL) – Waxaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho  laga sii dayay oo ka baxay tiro maxabiis ah, kaddib markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

General Xuseen Xasan Cismaan, Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyeed oo warbaahinta u sheegay in dadkaasi ay xabsiga ugu xirnaayen dembiyo fudud oo lagu soo eedeeyay.

Waxaa uu sheegay taliyaha in maxbuus kasta oo la sii dayay ay siiyeen sida uu hadalka u dhigay lacag $ 20 doolar ah oo sida uu hadalka u dhigay ka dhigto gaari raac.

Taliyaha, ayaa soo hadalqaaday in sidaan oo kale ay Talaadadii Xabsiga Dhexe ka sii daayeen 13 nin, ka dib cafis uu u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

Dhammaanba maxaabiista cafiska loo fidiyay, ayaa waxaa magacyadooda soo gudbiyay guddi uu madaxweynaha u xil saaray in ay soo gudbiyan magacyada dadka dembiyada fud fudud ugu xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Horay waxaa xabsiga looga sii daayay 13 maxaabiis muddo dheer ku xirnaa xabsiga dhexe kuwaa oo la sheegay in intooda badan loo heystay lacago deymo ah oo laga lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]