4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2017
Sarkaal Kenyaan ah oo soo jeediyay in la duqeeyo qeybaha Al-shabaab kaga sugan yihiin Kenya

 

Jimco, June, 30, 2017 (HOL) – Sarkaal sare oo amniga u qaabilsan Dawlada Kenya ayaa soo jeediyay in diyaarado lagu duqeeyo deegaano ka mid ah dalka Kenya, halkaasoo la sheegayo in kooxda Al-Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan oo ay weerarada gudaha Kenya ay ka fuliyaan ka soo abaabulaan.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Nelson Marwa oo ah madaxa isku xirka amniga ee gobolka xeebta dalka Kenya, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Mombaasa, ayaa soo jeediyay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya loo diro keyta Boni ee ka tirsan deegaanka Lamu, halkaasoo ku dhow soohdinta Soomaaliya.

“Waxaan u soo jeedinayaa dawlada inay duqeyso, oo gebi ahaanba dhulka dhigto kaynta Boni Forest, si looga sifeeyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.” ayuu yiri Nelson Marwa.

Marwa ayaa dadweynaha u soo jeediyay inay ka fogaadaan keyntaasi, iyadoo dadka xoolo dhaqatada ahna loo sheegay inay ka guuraan iyaga xoolahooda kayntan si ciidamada ay uga fuliyaan hawsha duqeynta ah.

Sarkaalka ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka in ay ka baqayaan gelitaanka kaynta Boni oo ah dhul dhir iyo biyo leh, halkaasoo ka mid ah meelaha sida aadka looga baqo.

“Ma garanayo sababta ay askarta uga cabsanayaan Boni. Boni ma ahan Soomaaliya ee waa gudaha Kenya.” ayuu yiri sarkaalkan ammaanka u qaabilsan gobolka Xeebta dalka Kenya.

Sarkaalkan ayaa sheegay in isaga laftiisa uu diyaar u yahay in uu ku dhinto hawlgallada lagu badbaadinayo dadka shacabka ah oo uu sheegay in maalin kasta maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dilaan weerarada ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Illaa hadda ma cadda in dawlada Kenya ay fulin doonto soo jeedinta sarkaalkan amni ee ku baaqay in la duqeeyo Kaymaha Boni oo ay ku nool yihiin dad kumanaan xoolo dhaqato ah, ahna deegaanada ay Muslimiinta deggan yihiin ee dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]