4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2017
Qarax miino oo Muqdisho lagula eegtay gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM

Jimco, June, 30, 2017 (HOL) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax miino oo subaxnimadii hore ee saakay magaalada Muqdisho lagula eegtay gadiidka ciidamada AMISOM.

Qaraxan ayaa la dhacay ka dhacay sida ay goob joogayaal u sheegeen warbaahinta agagaarka wadadda Laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshada Taraqa iyo Sigaarka, waxaana qaraxaasi lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay la socdeen Ciidamada AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in gaadiidka ay wateen ciidamada AMISOM qaraxa lala eegtay xili ay marayeen laamiga Warshadaha, waxaana qaraxaasi miino uu waxyeelo gaarsiiyay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib rasaas xoogan kor u furay, waxa ayna ciidamada oo ka daatay gaadiidkii ay wateen markii dambe isaga dhaqaaqeen goobtii lagu qarxiyay iyaga oo horey u jiitay gaari waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi.

Lama oga khasaaraha qaraxan ka soo gaaray ciidamada AMISOM, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM iyo laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo ku aadan qaraxan saakay ka dhacay Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]