4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2017
Xildhibaan Maryan Cabdi Geedi oo kulan dhiirigalin ah la qaadatay haweenka Columbus


Jimco, June, 30, 2017 (HOL) - Xildhibaanad Maryan Cabdi Geedi oo ka mid ah xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan soo gaartay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay kulan xogwaran iyo dhiira-galin isugu jira la qaadatay haweeka Soomaaliyeed ee Columbus.

Haweenkan oo isugu jiray gancsato, aqoonyahan, arday iyo qeybaha bulshada ayaa aad ugu dhursugayay in wax badan ay ka ogaadaan dalkooda oo ay in mudaa ka soo maqanyihiin iyaga oo dhanka kale qaarbadan oo ka mid ah ay ka rajo qabaan in ay dalkii dib ugu laabtaan.

Waxaa ay ka warbixisay xaalada dalka, marxaladihii hanaanka dorashada iyo sida xulashadii baarlamanka loo maareeyay.

Xildhibaanada ayaa si weyn ugu dhiirogalisay Haweenka in ay malgashadaan dalkooda isla markaana ka faaiideystaan waxa alle ku manaystay ee qeyraad ah.

"In aad Soomaaliya Tagto waxay kaa caawinaysaa in ay badasho aragtidaadii ku aadanayd Soomaaliya"

Waxaa kulnkan ka hadlay Safiirkii ugu horeeyay ee oo gabar ah oo ay soomaaliya dibada u yeelato Fadumo isaaq bixi oo dhankeeda cabirday Ahmiyada haweebku u leeyihiin dadkooda .

Haweenkii ka hadlay kulankan ayaa aad u soo dhaweyay in Xildhibaanada qaranka ay ku jiraa dhalinyaro Aqoonyahan ah.