4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre’’ Beesha caalamka waxaa ay hadda u soo jeesatay in ay wax la qabato Soomaaliya

 

Jimco, June, 30, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xiligan dalalka caalamka u soo jeesteen wax u qabashada Soomaaliya, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed arrintaa taageeraan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in dalka uu ku soo jiray mudo dheer oo bur bur iyo dagaalo sokeeye ah, balse wixii xiligan ka danbeeya loo baahan yahay in loo soo jeesto dib-u-dhiska dalka iyo sidii horey loogu wada socon lahaa.

Waxaa uu intaa ku darray in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay u istaagaan siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, maadaama beesha caalamka ay taageero dhan walba ah Soomaaliya la garab taagan tahay.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa aduunyadu way u soo jeedaa Soomaaliya, aduunyadu waxey diyaar u tahay in ay wax nala qabato oo ay nala shaqeysato, dadka Soomaaliyeed waxaana ka codsanayaa in ay u istaagaan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in isaga, madaxweynaha iyo xubnaha kale ee dowladda in ay u istaageen siddii Soomaaliya ay horey ugu sii socon laheyd, si loo gaaro hormaro balaaran.

Hadalka ayuu ra’iisal wasaaraha ka sheegay kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho uu kula yeeshay wasiirka arimaha dibada Norway.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]