4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 30, 2017
Amarkii Donald Trump oo xalay si rasmi ah u dhaqangalay

 

Jimco, June, 30, 2017 (HOL) – Waxaa xalay waqtiga magaalada Washington si rasmi ah uga dhaqangalay dalka Mareykanka amarkii madaxweyne Trump ee lagu mamnuucay muhaajiriinta ka imanaya ilaa Lix dal oo ka mid ah dunida muslimka.

Xayiraada madaxweyne Donald Trump ayaa waxaa ay socon doontaa mudo 90 cisho ah, waxaana mudadaaa la filayaa in cadaadis adag oo dhinaca socdaalka ah l saaro dadka sida sharci darrada ah ku soo galla dalkaas.

Waxaa jira sharuudo adag oo lagu xiray dadka ka imanaya dalalka la mamnuucay, waxaana sharuudahaa ka mid ah in la hubsado marka hore muhaajiriinta ah in dalkaasi u joogaan dad ay qaraabo dhaw yihiin kuwaa oo degenaasho ku heysta.

Saraakiisha socdaalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay sharcigan in ay ka badbaadi doonaan dadka mar hore loo sii sheegay in ay Mareykanka tagi doonaan ka hor 6-da Bisha July.

Dadka bartilmaameedka u ah amarka Madaxweynaha Mareykanka ayaa ah muwaadiniinta u dhashay dalalka Iran, Liibya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa u xaqiijisay dadka musaafurka ah in aysan la kulmi doonin isku-dhax-yaacii ka dhacay garoomada diyaaradaha markii ugu horeysay ee uu dhaqan galay amarkii Madaxweyne Trump bishii March ee sanadkaan.

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa Isniintii dib u fasaxday amarka Madaxweynaha Mareykanka uu si ku-meel gaar ah ugu diiday in ay Mareykanka ku tagaan muwaadiniinta u dhashay Lix waddan oo ka mid ah dalalka dunida Islaamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]