Hiiraan Online
1/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2017
Diyaarad siday gargaar bini’aadanimo oo ku dhacday garoonka Garbahaareey
Sabti, June, 03, 2017 (HOL) –Diyaaraddan oo sitay gargaar bini’aadanimo oo loogu talo galay xarumo lagu daryeelo carruurta ay nafaqa darrada heyso ee degmada Garbahaareey ayaa saaa ku dhacday garoonka diyaaradaha degmadaasi.
Diyaaradda ayaa la sheegay in ay siday Buskud iyo raashiin kale oo loogu talo galay carruurta ay nafaqa darrada heeyso, waxaana la sheegay in diyaaraddu soo gaaray burbur xooggan.
Gudoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadoow Kaarshe oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in diyaaraddu uu burbur xooggan kasoo gaaray qeybo ka mid ah.
“Diyaaraddu waxay u rarnayd hay’adda WFP, waxay siday gargaar ay u waday xarumo carruurta nafaqada darrada heeyso lagu daryeelo, hadda waxaan ku suganahay garoonka, diyaaradduna qeybo kamid ah waxaa gaary burbur,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.
Waxa uu xusay in diyaaraddu ay saarnaayeen laba qof oo uu ku jiro Pilotkii diyaaradda waday, isagoo xusay in labaduba ay bad qabaan, wuxuuna intaa ku daray in marka ay wareysteen ay u sheegeen in ay soo wajahday caqabad dhanka cimilada ah, taana ay ku qasabtay in diyaaraddu ka lumo dheeli tirka ayna kusoo dhaceen meel ka yara fog dhabaha diyaaradaha ay caga dhigtaan ee garoonka.
“Diyaaradda ragii saarnaa waxay noo sheegeen in diyaaraddu qalqal ku yimid oo ay dabeeylo xooggan la kulmeen, garbaha diyaaradda mid kamid ah geedaha bannaanka garoonka ayay kuso jabtay, waxay sidoo kale diyaaraddu ku dhacday dhagax weyn oo difaac u ah ciidamada oo ku yaal garoonka,” ayuu Gudoomiyaha Garbahaareey hadalkiisii raaciyay.
Inkastoo diyaaraddu ka burburtay qeybo badan, hadana Pilot-kii iyo qofkii kale ee la socday ayaa la sheegay in ay bad qabaan, waxaa sidoo kale badbaaday raashiinkii diyaaradda saarnaa, oo sida masuuliyiintu noo sheegeen laga dajinayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.