4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2017
Maamulka K/galbeed oo ciidamo gurmad ah u diray Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur

 

Khamiis, June, 29, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan maamul K/galbeed ku sii jeedaan deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo la sheegay ay siweyn ugu dhawaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab damacsan yihiin ay qabtaan ama dilaan Mukhtaar Rooboow oo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyay aan warkiisa la maqlay, kaddib markii ay isku dhaceen hogaamiyihii la dilay ee Al-shabaab Abuu-Zubeyr.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay liiska argagixisada ka saareen Abuu-Mansuur, taasoo keentay uu xujuum iyo guluf dagaal kala kulmo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa hadda u muuqda mid diyaar u ah in ay gacan siiyaan Mukhtaar Rooboow haddii ay soo weeraraan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]