4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa kula kulmay wasiirka arimaha dibadda Norway


Khamiis, June, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norwey Borge Brebde oo booqasho rasmi ku yimid magalada Muqdisho.

Mudane Farmaajo ayaa aad iyo aad u soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Norwey Børge Brende ayaa dhinaca ka mahad celiyey siddii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal,

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh bilihii ugu danbeeyay, islamarkaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo. Waxana uu intaasi raaciyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’addaha dawladda.

Wasiirka arrimaha dibadda Norwey Børge Brende ayaa gallinkai hore ee maanta xafiiskiisa ugu tagay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]