Dowladda Qatar oo casuumad u fidisay wiilkii Soomaaliga ah ee laga soo masaafuriyay Imaaraadka
Khamiis, June, 29, 2017 (HOL) - Ardaygii ka qaybgalay tartanka Qur''aanka ee Dubai ee ay
galaafatay siyaasadda khaliifka ee dib loo soo celiyey ayaa lagu soo dhoweeyey
wadanka Qadar oo casuumad u fidisay wiilkaasi Soomaaliga ah ee quraanka laga
joojiyey.
Ismaciil
Cumar Madar oo ka qaybgalayey tartanka quraanka Kariimka ah ee sanad walba
bisha Ramadaan lagu qabto Imaaraadka Carabta ayaa waxa sahatay qaraarkii
Soomaaliya iska istaagtay khilaafkii soo kala dhexgallay Sucuudiga iyo Qadar,
taas oo meel dhex dhexaad leh iska taagtay, waxaanay arrintaasi darteed dib
loogu soo celiyey Ismaaciil Madar magaaladda Hargeysa maadaama oo uu sitay
Paaspor Soomaaliya ah.
Safaaradda
Soomaaliya ee Doha ayaa dawlada Qadar u gudbisay in wiilka Soomaaliga ah ee
laga soo saaray tartanka quraanka ah ee uu ka qaybgalayey, waxaana dawladda
Qadar dalbatay in wadankeedda yimaado si aanu ardaygaasi u niyad jabin.
Sheekh
Cabdirashid sheikh Suufi oo ah wadaad caan ka ah dunidda islaamka,isla markaana
ku jira culimadd kooban ee tajwiidka quraanka ku akhriyaa ee aad ka loo
dhagaysto ayaa ku soo dhoweeyey masaajidkiisa ku yaala Doha ee Qadar.
Sheekh
Cabdirashid Suufi oo marar badan guddidda tartanka quraanka caalamka ku jiray
ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Madar marka uu qiyaaso uu kaalmaha hore gali
lahaa balse siyaasad awgeed looga soo saaray.
Sheekh
Suufi oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan si gaar ah usoo
dhoweynaynaa macalinka iyo ardaygiisa wadanka inoogu yimid,
musaabiqaaddaa quraanka in arrin siyaasadeed la galiyo may ahayn, tartanka
Dubia ka dhaca waa mid caalamka islaamka ku weyn oo khayriya, waana dhagaystay
tartankiisii maadaama oo aanka mid ahaan jiray guddiyadda tartamadda quraanka
waxaan ku qiyaasay in kaalinta kowaad ama labaad uun mid gali lahaa, marka wuu
ka hooseynayaa maan islahayn waayo waan dhagaystay, waxaa mar kaliya maqlay uun
ninkii waa la eryey oo wadanka laga saaray, waxaana sabab u ahayd xurgufta
dadkan walaalaha dhexmartay darteed, waan la yaabay arrintaasi waayo maxa
quraanka soo dhexgaliyey”
Waxaanu
intaas ku daray “Waxaan u mahad celinayaa safaaradda soomaalida ee Doha in ay
dawladda Qadar arrinkiisa u gudbiyaan in inankan yar niyadda loo dhiso oo
la soo dhoweeyo dambi aanu galin oo lagu qaaday.
Dawladda Qadar waan u mahad
naqaynaa talaabadan ay arrintaasi ka qaaday.”
Sidoo
kale, Ismaaciil Madar waxa soo dhoweeyey jaaliyada reer Doha ee Qadar oo
talaaabada lagula kacay arrin fool xun ku tilmaamtay.
Wiilkan
dhalinyaradda ah oo ku jira gabogabaddii tartanka quraanka ayaa maamulka
Imaaraadku dib ugu soo celiyeen magaaladda Hargeysa maadaama oo Soomaaliya ay
taageeri wayday go’aanka xulufadda uu Sucuudigu hogaaminayo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.