Khamiis, June, 29, 2017 (HOL)-Wafdi uu horkacayo wasiirka wasaaradda arimaha
dibada Norway Borge Brende ayaa goor dhaw oo maanta ah gaaray magaalada
caasimada ee Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Børge Brende iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka
diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan
dowladda Soomaaliya oo uu ka midyahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya
Yuusuf Garaad Cumar.
Waxaa lagu wadaa in xubnaha Wafdigaan goor dhow ay madaxtooyada Soomaaliya
kula kulmaan madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Dowladda Norway ayaa waxay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya
isla markaana ka mid ah dalalka danjirayaashooda ay ka joogaan dalka.
Dhawaan ayeey ahayd markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu dalka Qadar kula
kulmay Børge Brende, iyagoo ka wada hadlay
xiriirka labada dal.
Sidoo dowladda Norway waxaa aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah ee
Soomaaliyeed ka dib markii dalkaasi ay booqdeen masuuliyiin ka tirsan hay’adda
Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay agaasimaha hay’addaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]