4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2017
Saameynta maqnaashaha Internetka ee gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

 

Khamiis, June, 29, 2017 (HOL)- Isticmaalka Internetka ayaa hadda u muuqda mid meelwanaagsan kaga jira nolasha dadka Soomaliyeed, kaddib markii ay soo ifbaxday saameyn weyn oo maqnaashihiisa uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqii kala duwanaa ee adeega bulshada.

Waxaa inta badan meesha ka baxay shaqooyin badan oo ku xirnaa Internetka sida Xawaaladaha iyo xafiisyada shaqada, iyo dad badan oo howlmaalmeedkooda meel wanaagsan uu kaga jiray, kuwaasoo saacad walba is weydiinaya waqtiga iyo xiliga la heli doono adeegii Internetka.

Xafiisyada dowlada , hay’adaha iyo shirkadaha kale ee ka jira magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa sidoo kale wax shaqo ah ka jirin. waxaana goobahaasi ay inta badan shaqooyinkooda ku xirnaa Internetka.

Laakiin marka laga soo tago shirkadaha Xawaaladaha ee lacaga kala gudbiya iyo xafiisyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, saameynta ugu weyn ee arintan waxaa dareemay qeybaha kala duwan ee warbaahinta oo adeegooda ugu badan uu ku xirnaa isitcmaalka Internetka.

Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ayaan arintan la qabin qeybaha kale ee dalka, waxaana dadka deegaannadaa ku dhaqan ay si caadi ah u isticmaalayaan adeega Internetka, madaama aysan wax saameyn ay dhinacooda ku yeelan cilada jirta.

Maanta waa maalintii Shanaad oo Internetku hawada ka maqan yahay, walina macada xiliga uu dib u shaqo bilaabi doono Viper Optica , waxaana socda dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu xaliyo cida jirta .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]