4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2017
Soomaali noqoday suugaan yahanka Edmonton- Canada

 

Khamiis, June, 29, 2017 (HOL)- Axmed Cali oo loo yaqaano Axmed Knowmadic oo dhalasho ahaan Soomaali ah ayaa loo magacaabay suugaan yahanka magaalada Edmonton ee dalka Canada ilaa sanadka 2019.

Ali, 33, sano jir ah ayaa dalka Canada tagay sanadkii  1992, isagoona ah qof ku wanaagsan tirinta gabeyada.

“Edmonton waa meeshii igu horeysay oo aan bartay, sidaa awgeed qalbigeyga ayay ku taalaa,” ayuu yiri Axmed Cali.

Shaqada la doonayo ayaa ah in uu u fasiro ereyada suugaanta marka ay shireyaan gollaha magaalada Edmonton, isla markaana uu qeyb ka qaato horumarinta suugaanta magaaladaas.

Axmed Knowmadic ayaa waxaa soo xuley suugaan yahan hore iyo qaar ka mid ah xubnaha bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan kaddib markii ay arkeen sidda Axmed ugu wanaagsan yahay tirinta gabeyada iyo suugaanta kale.

Golaha suugaanta magaalada  Edmonton ayaana ugu dambeyntii Axmed u doortay jagadan oo ah tii ugu horeysay oo qof Soomaali ah loo caleemo saaro.

“Wuxuu akhriyay gabey qosol iyo reyn reyn ku sameeyay guddiga xulidda loo xil saaray,” ayuu sheegay afhayeenka Jenna Turner.

“Hanaankiisa u gaarka ah oo Gabey tirinta waxaa u maleynayaa in uu awoodi doono in wax badan nooga sheegi doono magaalada.”

Axmed Cali oo ku magac dheer Axmed Knowmadic ayaa noqoneya Suugaanyahankii todobaad oo xilkan qabto, isago xilka kala wareeji doono Pierrette Requier, kaas oo ah nin Luuqado badan ku hadla, masraxyada soo bandhiga islamarkaana sheekooyinka qora.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]