4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2017
Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo

 

Khamiis, June, 29, 2017 (HOL) - Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal y ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo, waxaa ay kula wareegeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaannada howlgalka laga sameeyay.

Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dagaal dhaxmaray labada dhinac ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalkan oo dhacay xili habeennimo ah sida uu sheegay Faarax Maxamed Turbac oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ayeey kula wareegeen agab militari oo ay lahaayeen Al-shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaano 30-kM u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gobolka Gedo oo ka tirsan maamul gobolleedka Jubbaland waxaa qeybo ka mid ah wali maamula xoogagga Al-shabaab oo marar kala duwan weerar khasaare balaaaran geystay ku qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamada dowladda Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]