4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2017
Amarkii madaxweyne Donald Trump ee qaxootiga oo maanta dhaqangalaya

 

Khamiis, June, 29, 2017 (HOL) - Amarki uu Madaxweynaha Donald Trump uu uga mamnuucay in ay galaan dalka Mareykanka qaxootiga iyo muwaadiniinta ka soo jeeda Lix dal oo ka mid ah wadamada Islaamka ayaa dhaqan galaya saacadaha hore ee maanta oo Khamiis ah.

Saraakiisha socdaalka Mareykanka ayaa sugaya tilmaamo ku saabsan habka ay u fulin doonaan amarka madaxweye Trump, iyadoo madaxda waaxaha arrimaha dibadda, cadaaladda iyo amniga gudaha aysan wali u kala caddeyn shakhsiyaadka loo ogolaan doono in ay soo galaan iyo kuwa laga celin doono xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha Mareykanka ee ka soo jeeda dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

Waaxda amniga gudaha Mareykanka ayaa u xaqiijisay dadka musaafurka ah in aysan la kulmi doonin isku-dhax-yaacii ka dhacay garoomada diyaaradaha marki ugu horeysay ee uu dhaqan galay amarkii madaxweyne Trump bishii March ee sanadkan.

Qaar ka mid ah qareenada muhaajiriinta ee Mareykanka ayaa sheegay in ay iska xaadirin doonaan maanta garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah si ay u caawiyaan dadka uu saameyn doono amarka trump.

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa Isniintii dib u fasaxday amarkii madaxweynaha Mareykanka uu si ku-meel gaar ah ugu diiday in ay Mareykanka ku yimaadaan muwaadiniinta u dhashay Lix waddan oo ka mid ah dalalka dunida Islaamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]