4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Heerka Nafaqo darrada carruurta Soomaaliyeed oo laga deyrinayo

 

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) – Daraasad ay samaysay hay'adda Save the Children ee ka shaqaysa daryeelka caruurta ayaa muujisay in ugu yaraan 20,000 oo caruur ahi halis ugu jiraan in ay ku dhintaan dalka abaarta ba'ani ku dhufatay ee Soomaaliya dhawrka bilood ee inagu soo foolka leh.

Daraasaddu waxay sidoo kale muujisay in tirada caruurta ay hayso nafaqo darrada ba'ani ay cirka isku sii shareertay kala badh sagaalka degmo ee daraasadda laga sameeyey.

Hay'adda Save the Children ayaa warbixintan ay soo saartay kaga digtay in carruurn ka badan 20,000 oo ku sugan sagaal magaalo oo ku yaal Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin in mudo kooban oo bilo gudahood ay nafaqo-darro u dhiman doonaan hadii aanay beesha caalamku sii wadin bixinta dhaqaalaha deeqda ah ee lagu badbaadinayo nolosha dadka ku nool dalkan ay abaartu ku habsatay.

Natiijada daraasaddan cusub ee ay samaysay hay'adan gargaarka ee Save the Children oo kaashanaysa hay'ado kale ayaa muujinaysa heerka nafaqo-darrada baahsan ee faraha baas ku haysa magaalooyinkan daraasadda laga sameeyay marayso.

Magaalada Matabaan oo keliya ayey warbixintu sheegaysaa in boqolkiiba 9.5 carruurta ka yar shan jirku ay haatan la il daran yihiin nafaqo-darro ba'an.

Sahanka ay hay'adda Save the Children samaysay ayaa muujinaya in qalabka lagu baadho nafaqada carruurtu ee deegaanada dalka qaarkood muujinayo xaalado macaluul oo kale ah.

Madaxa hay'adda Save the Children, Xasan Nuur, ayaa bayaanka ay hay'addu soo saartay ku sheegay in "cunno la'aanta iyo sare u kaca tirada carruurta ay soo ridatay nafaqo-darrada ba'ani yihiin wax laga walaaco."

Hay'addu waxa ay sheegaysa in qiyaastii 1.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah oo loo baahnaa si loogu caawiyo hay'adaha ka shaqeynaya badbaadinta nolosha dadkaasi, haatan la bixiyey 550 milyan oo doolar oo keliya oo ka mid ah lacagtaa.

Hay'addu waxa ay si degdeg ah ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay raacaan tusaalaha dowladda UK oo ay sii wadaan bixinta dhaqaalaha waxa lagaga qabanayo abaarta Soomaaliya.

Cudurrada lala xidhiidhinayo abaarta sida shubanka ayaa sidoo kale ah mid aad ugu baahay dalka oo dhan, iyadoo kumannaan qof loo dhigay isbitaallada tobannaan qofna ay u dhinteen.

Source : BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]