4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Maamulka Dekadda iyo Gobolka Saaxil oo ka hadlay dab ka kacay qaybta Koontiinaradda Dekadda Berbera

 

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) – Shirkadda DP world ee dekadda Berbera maamusha iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dab ka kacay qaybta Koontinarka ee dekadda Berbera.

Dabkan qarxay ayaa la sheegay in uu ka kacay Koontiinar ay ku jireen walxo Acid ah, taas oo kulaylka xeebta Berbera sababtay inuu dab ka kaco, waxaanay sheegeen in markiiba la bakhtiyey.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda DP Wolrd ee maamusha Dekadda ayaa sheegtay in Koontiinarkaasi dabku ka kacay ganacsadihii lahaa markii hore alaabta ku jirta wax kale ku sheegay, waxaanay tilmaameen in sababta uu alaabta ku jirta aanu si cad u cadayn ay baadhayaan Ciidamada dambi baadhista

“Koontiinar ay ku jiraan walxo Kiimikaco ah oo aan loo yeelin calaaamaddo muujinaya waxa ku jira shixnadda koontiinarka ku jira inay tahay khatar sida xeerka baduhu tilmaamayaan , waxaanu ganacsadaha koontiinarku ka been sheegay walxaha ku jira Koontiinar oo aanu Manafeestadda ku cadeyn, wuxuuna ahaa hadhaagii ka soo hadhay Qaraxii koontiinarkii hore ee sababay qaraxa bisha 18 June,2017,kaasi oo meel cidlo ah la dhigay oo dekadda ka baxsan”ayaa lagu yidhi qoraalka shirkaddda DP Wold ka sooa baxay.

Shirkaddu waxay sheegtay in aanu qaraxaasi sababin wax khasaare ah oo maal iyo naf toonna ah.

Sidoo kale,waxa qaraxaasi koontiinarka ka hadlay Badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Axmed Yuusuf oo sheegay in Koontiinarkaasi ahaa mid ay ku jireen walxo ciid ah oo heer kulka ka jira Berbera sababay.

“Walxaha kiimikaddu waxa hore loogu keeni kari Caaggii hore loogu keeni jiray mid aan ahayn, kaasi oo mid ka mid ah dilaacay oo uu qiiq siidaayey, wax dab ah ama olol ah oo ka ma jiro laakiin Qiiq uun ayuu siidaayey”ayuu yiri Jaamac Badhasaabka gobolka Saaxil.

Si kastaba ha ahaatee, toddobaad gudaheed ayaa qaybaha Koontiinarka laba jeer oo isku xigta dab ka kacay oo qiiqiisa laga soo arkayey meelo fog fog, waxaanay dadweynuhu is waydiinayeen sababta todobaad gudaheed uu dab uga kaco qaybta Kootiinarka oo aan awal hore lagu arag.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.