4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Ururka Al-shabaab oo qorsheynaya weerar ka dhan ah Abuu-Mansuur

 

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab qorsheynayaan weerar ka dhan ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo dhawaan dowladda Mareykanka ka saartay Liiska argagixisada.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in ay ka war hayaan wararka ku saabsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, hasse ahaatee waxaa uu intaa ku darray in ilaa iyo hadda uusan jirin weerar lagu qaaday deegaanka uu ku nool yahay Mukhtaar Rooboow.

‘’Wararkaas waan maqalnay, laakiin ilaa iyo hadda ma dhicin wax weerar ah, Annagana wax xiriir ah oo aan la leenahay Mukhtaar Rooboow ma jiro’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xudur.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday su’aal aheyd waxa ay ka yeelayaan haddii xoogagga Al-shabaab weeraraan deegaanka uu ku nool yahay Mukhtaar Rooboow oo ka tirsan degmada Xudur, isaga oo sheegay in su’aashaa uu ka jawaabi doono marka uu falku dhaco.

Laga soo bilaabo sanadkii 2012ka wax war ah lagama maqlay Abuu-Mansuur, kaddib markii ay isku dhaceen hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane , laakiin ku magac-dheeraa Abuu –Zubeyr.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]