Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya
Xassan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga amniga Badaha, kaasoo looga hadlayay arrimo
dhowr ah oo la xiriira Badda Soomaaliya.
Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’addaha
kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha.
Kulanka ka soo qeyb galay wasaaradaha arrimaha dibadda, amniga, maaliyadda, gaashaandhigga,
kaluumeysiga, caddaaladda iyo xeer ilaaliyaha Qaranka , waxaana dood dheer laga
yeeshay qodobadii looga hadlayay.
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyey
qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalkeena, isagoo tilmaamay
muhiimadda ay leeyihiin ciidamadda Ilaalada xeebaha oo hadda qorshuhu yahay in
la hoos geeyo Wasaaradda Amniga, maadaama ay xiligii hore ay hoostagi jireen
wasaaradda Gaashaandhigga ciidamadani.
Wasiiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda dawladda Federaalka Soomaaliya
C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay ku bilowdeen
kuna dhamaadeen shirarkii looga hadlayay wadaagga kheyraadka dalka ee u
dhexeeyay wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada, gaar ahaan shir
saddex cisho uga socday maamullada iyo Wasaaradda oo arrimahaas looga hadlayay,
wuxuna xusay in Wasaaraddu ay joogteyn doonto wada xaajoodka u dhexeya labada
dhinac si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.
Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo
qorshe cad oo loo marayo arrimaha badaheena, isla markaana cid waliba oo
quseyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan
kuwa leh aragti fog.
“Badda Soomaaliya Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo muhimad
weyn ugu fadhida caalamka gaar ahaan marka laga hadlaayo ganacsiga, gaadiidka
badda iyo siyaabo kale, waxaana dadka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad
danahooda ka shaqeysaan oo tallaabo walba oo la qaadayo noqoto mid cad oo wax
mugdi ah uusan ku jirin, dalkeenana loogana faaiideeyo kheyraadkaas”ayuu yiri
ra'iisal wasaare Kheyre.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane
Yuusuf Garaad iyo qaar kamid ah Wasiiradda Maamul gobolleeyada qaar ee kulanka
goob-joog ka ahaa oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda uu dalkeena u
leeyahay guddigani ka shaqeynaya Badaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]