4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Bariis Caag ka sameysan oo meelaha qaar dalka lagu arkay

 

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay sharci adag ka soo saari doonto raashinka aan tayada laheyn ee dalka la keeno.

Saciid Xuseen Ciid wasiirka wasaarrada beeraha xukuumada Soomaaliya oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal looga hortagayo qatarta ay leeyihiin cuntada aan tayada laheyn ee dalka la keeno, kaddib markii dhawaan la arkay Bariis Caag ka sameysay oo meelaha qaar dalka Soomaaliya la soo galiyay.

“Waxaan meelihii ugu danbeeyay arkeynay Bariis Caag ka shameysan iyo Koolo, runtii waxaa lagu xakameyn karaa oo lagaga bad baadi karaa sharci lagu ilaaliya tayada raashinta iyo cuntada dibadda laga keeno”ayuu yiri wasiirka.

 

Waxaa uu sheegay in dhawaan uu golaha wasiirada horgeyn doono sharci lagu ilaalinayo tayada raashinka iyo cuntada dibadda laga keeno ee dalka la yimaada.

Baraha bulshada ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay la soo dhigay bariis ka sameysan Caag oo suuqyada caalamka lagu iibiyo, waxaana laga digay qatarta uu leeyahay Bariiska.

Tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa waxyaabaha meesha ka baxay waxaa ka mid ahaa faya dhowrkii iyo badqabka raashinka dalka la keeno, waxaana dhacda in raashin waqtigooda dhacay la soo geliyo dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]