4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Internetka oo wali ka maqan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

 

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) –Dadka sida weyn ugu xiran adeega Internet-ka ayaa ku jahwareersan maalintii Afaraad maqnaashaha Internetka oo saamayn gaar ah ku yeeshay gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Shaqooyinkii Xawaaladaha ee gobolada dalka iyo adeegyadii kale ee bulshada oo ay ka mid yihiin qeybaha kala duwan ee warbaahintaa ayuu saameyn adag ku yeeshay maqnaasha Internetka, waxaana dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya yihiin kuwo hal fiilo oo Internet-ka adeega Fibre Optic ka qaataan shirkad lagu magacaabo Dalkom.

Mas’uuliyiinta shirkadaha bixiya adeega Internetka ayaa warbaahinta u sheegay sababta ugu weyn ee ciladan Markab kuwa ganacsiga ah oo jaray ama gooyay mid ka mid ah xergaha ama fiilada Internetka siisa Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo intaa ku darray in la waddo dadaalo la doonayo in dib loogu hagaajiyo.

Laakiin dhinaca kale marka la eego maamulada Soomaaliland iyo Puntland lama qabaan qeybaha kala ee dalka Internet la’aantan, maadaama deegaanada xeebaha ay toos uga hellaan xariga Fibre Optic iyo adeegyada kale Satelite-ka.

Istimcaalka Internetka ayaa marka la eego Soomaaliya qeybaha ka ah nolasha bulshada oo siweyn ugu xiriirtay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Internet la’aanta ka jirta gobolada dalka qaar ay saameyn ku yeelatay adeegyadii bulshada iyo shaqooyinka dowladda.

Lama oga ilaa iyo hadda waqtiga rasmiga ah ee dib hawada loogu soo celinayo adeega Internetka, waloow wararka qaar sheegayaan in Markab cilad bixiye ah uu ku soo jeedo xeebaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]