4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Adeegsiga Facebooka ee bulshada oo gaaray 2 billion bishii

 

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) - Gud ahaan marka Afar loo qeybo meel ka mid ah dadka ku dhaqan dunida ayaa la leeyahay waxaa ay isticmaalaan Aalada Facebook.

“Laga bilaabo saakay bulshada Facebook isticmaasha 2 billion ayeey noqdeen,” ayuu soo qoray Mark Zuckerberg oo ah ninka aasaasay Facebook oo madaxdana u ah.

Arrintan ayaa imanaysa markii uu Zuckerberg aasaasay bartan 13 sano ka hor isaga oo uu arday ka ahaa jaamacadda Harvard.

Waxbarashadii Jaamacadda ayuu isaga haray markii uu aasaasay bartan bulshada caalamku ku xiriirto.

Shirkadan wayn ayaa sannadkii 2012kii sheegtay in dadka adeegsada bilkaste ay noqdeen hal bilyan.

Koritaanka shirkaddan ayaana ka soo horjeeda aragtidii wakhtiga badan jirtay ee ahayd in koritaankeedu uu hoos u dhici doono maadaama ay macaamiishu ka aadayaan Snapchat.

Horaantii sannadkan ayuu Facebook ka digay in uu gaabis ku iman doono faa’iidada ka soo gasha xayaysiinta.

Si kastaba ha ahaatee hamiga Zuckerberg ayaase wali ah mid sareeya.

“Ahmiyaddanadu waa in aan awoodno in aan dadka oo dhan isku xirno” ayuu yiri.

Arrintii ugu waynayd ee dhawaan soo wajahday Facebook waxay ahayd nin Maraykanka ku sugan oo soo dhigay Facebook isaga oo toogasho ku dilaya nin duq ah.

Bishii hore ayuu Facebook sheegay in uu shaqaalaysiinayo 3,000 oo ruux oo dheeri ah, kuwaas oo tifaftiridoona waxyaabaha la soo galiyo bartan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]