4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Amniga Muqdisho oo la adkeeyay maalmaha xoriyada awgood

 

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) - Guud ahaan marka la eego amniga magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoo ay nagu soo fool leedahay xuska munaasabad 01 Luulyo oo ku beegan xoriyadii gobollada Koonfureed iyo Is-raacii labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa lagu arkayaa dhamaanba jidadka galla caasimada Muqdisho, kuwaa oo baaritaanno dheeraad ah ku sameynaya gadiidka gudaha gallaya magaalada iyo dadka saaran intaba.

Sidoo kale ciidamada xasilinta caasimada ayaa siweyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho.

Dadka la socda gadiidka gudaha galla caasimada ayaa la weydiinayaa su'aalo iyo haddii ay jiraan dad damiin ka ah  iyo baaritaano kale oo dheeraad ah oo ka duwan kuwii horay loo arki jiray.

Inkastoo marka la eego amniga caasimada uu ka wanaagsan yahay sidii hore, gaar ahaan marka la eego bishii Ramadaan iyo maalmihii ciidul-fidriga, hadana waxaa jirta cabsi laga qabo in ay dhacaan weeraro inta lagu guda jiro maalmaha xoriyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xooggan ugu jirta xuska dabaal dega 01-da Luulyo, iyadoo guddi loo saaray ay ka shaqeynayaan diyaarinta munaasaabada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]