4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2017
Wararkii ugu danbeeyay howlgal ciidamada dowladda iyo AMISOM ka wadaan gobolka Sh/dhexe

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) - Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xaalad degenaasho ka jirto deegaanadii shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa ilaa saddex jiho kaga ambabaxeen magaalada Jowhar, iyagoo gaaray deegaanada Cali Fooldheere, Qurac Madoobe, Aqabduco iyo tuulooyin ku dhow dhow Biyo Cadde.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deegaannadaa ayaa sheegaya in ciidamada ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku aadan siddii ay ugu gudbi lahaayeen deegaanada bari ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen, Caanood oo hoggaaminaya Ciidamada ayaa xalay ku hoyday deegaanka Biyo Cadde oo todobaadkii hore Al-Shabaab weerar ku qaadeen.

Dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere iyo agagaarkeeda ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray ciidamada, inkastoo aan si rasmi ah loo sheegi karin.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastii iyo madaafiicdii la is weydaarsanayay ay ku gubteen guryo ku yaalay deegaanka Cali Fooldheere.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen deegaano ka tirsan bariga gobolka Shabeellaha dhexe

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]