4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Faah faahin ku saabsan qarax ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay deegaanka Laamu.

Qaraxan ayaa haleelay gaari ay saarneeyaan ciidamada Kenyan ah iyo arday, waxaana ku dhimatay 8 qof oo isugu jirta askar iyo arday, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dad kale oo gaariga saarnaa.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay qaraxan, waxayna sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Todobaadyo ka hor waxaa qarax Miino sidoo kale lala eegtay ciidamada Kenyan ah, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Shabaab ayaa weerarada nuucaan oo kale ah waxaa ay ka geystaan degaanada gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, halkaasi oo ay ku beegsadaan ciidamada Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]