4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Qaar kamid ah maxaabiis uu dhawaan cafis u fidiyay madaxweynaha Jubaland oo la sii daayay


Arbaco, June, 28, 2017 (HOL)–Qaar kamid ah maxaabiis uu dhawaan madaxweynaha Jubaland cafis u fidiyay munaasabadda ciidda awgeed ayaa maanta laga sii daayay xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Maxaabiistan oo loo heystay danbiyo kala duwan ayaa maanta dib xoriyadoodii u helay, ayagoo ka faa’iideystay cafiskii uu u fidiyay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka J/hoose  C/casiis Cabdi Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maxaabiista ay maanta sii daynayaan ay qeyb ka yihiin 105 maxbuus oo uu madaxweynuhu cafis u fidiyay, isagoo sheegay in dhammaan degmooyinka xorta ah ee Jubaland laga sii deyn doono tira kamid ah maxaabiistaasi.

Waxa uu sheegay in dadka maanta la sii daayay ay gaarayaan ilaa 60 qof, ayna galeen danbiyo kala duwan oo isugu jiray kuwo fudud iyo qaar kale oo culus, isagoo xusay in ay ka faa’iideysteen cafiskii loo fidiyay.

Qaar kamid ah maxaabiistii la sii daayay ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jubaland cafiska uu u fidiyay, ayagoo sheegay in ay ku waana qaadan doonaan mudadii ay xabsiga ku jireen, ayna ku dadaali doonaan sidii aysan markale xabsi ugu soo laaban lahayn.

105 maxbuux ayuu madaxweynuhu cafis u fidiyay, waxaana qaar kamid ah maxaabiistaasi laga sii daayay xabsiyada ku yaal degmooyinka ay ka taliso dowlad goboleedka Jubaland, sida degmada Doolow oo ku dhawaad 30 maxbuus laga sii daayay xabsiga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.