Arbaco, June, 28, 2017 (HOL) - Saraakiisha dowladda Talyaaniga ayaa sheegaya inay xireen nin Soomaali ah oo lagu eedeynayo in uu ku lug
leeyahay tacaddiyo loo geystay dad magan-gelyo doon ah, ka hor safarkoodii Badda
Medetrianka ay kaga soo talaabeen, kuna soo gaareen Siishilis.
Booliska ayaa baaritaano ay wadeen mudo ku dhaw todobaad
waxaa u suuragashay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanahan, ayna u taxaabeen
xabsiga, si cadaalada loo horgeeyo.
Booliska ayaa hada waxa ay ka shakisan yihiin ninkan in
uu ka tirsan yahay urur caalami ah oo si sharci daro ah dadka u tahriibiya,
xitaa mararka qaar dila.
Liibiyiinta dadka ku heysta goobaha ku yaalla gudaha
Liibiya ayaa dhibaatooyin xun dadka u geysta oo xitaa mararka qaar dhacda in
sida qofka ay u garaacayaan uu dhinto.
Labadii malmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la soo
badbaadiyay muhaajiriin gaareysa 5000, kuwaasi oo la soo gaarsiiyay dhanka
Koonfureed ee Badda Medetrianka.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa in muddo ah sheegayey in
muhaajiriinta soo mara dalka Liibiya ay la kulmaan xadgudubyo baahsan oo ay u
gaystaan dadka ka ganacsada masaafurinta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]