4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Puntland oo Qaadacday xeerka Isgaarsiinta oo ay dowladda Somalia ansixisay [Daawo]

Arbaco, June, 28, 2017 (HOL)– Maamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay xeerka Isgaarsiinta oo ay dhawaan ansixisay dowladda Somalia ,waxaana uu maamulka sheegay in la meel-mariyay xeerkan ,iyada oo aan Puntland la soo war-galin.

”Sida ku cad Distuurka Federaalka ah qodobkiisa 54-Aad Awoowdaha dowladda Federaalka ah waa: difaaca Qaranka,Jinsiyadda,Xiriirka dibadda,wixii intaa ka soo hara sida Dastuurka Federaalka ahba uu qeexayo, way u madax bannaanyihiin dowlad goboleedyadu in ay aayahooda ka tashadaan,Xeerkaana waa mid loo baahnaa in Puntland laga war-galiyo” ayuu yiri Wasiiru Dowluhu warfaafinta Puntland oo shir ku qabtay Garowe.

C/fitaax Nuur Ashkri ayaa sheegay in sharcigan la ansixiyay uu si cad uga hor-imaanayo dastuurka , isla markaana xukuumad-da Somalia ay ku dag-dagtay ansixintiisa ,iyada oo aan la marin sharciyadii loo baahnaa sida uu sheegay.


Faysal M. Hassan
[email protected]