4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2017
Venzuella: Xarumo dowladda leedahay oo lagu weeraray Helikobter

Arbaco, 28 June, 2017 (HOL) :- Dowladda Dalka Venezuella ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaasi uu afuudbtay diyaarad nooca Helikopterka oo ay lahaayeen ciidamada Booliska, taa oo la sheegay in uu ku weeraray dhisme ay dowladdu leedahay.

Diyaaradda Helikobterka ayaa la sheegay in ay bambaanooyin ku tuurtay dhismaha xarunta maxkamadda sare ee dalkaasi, waxaa sidoo kale rasaas lagu furay dhismaha wasaaradda arimaah gudaha dalkaasi, ayadoo weerarku madaxweeynaha dalkaasi ugu yeeray mid Argagixiso.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dalkaasi Ernesto Villegas ayaa sheegay in diyaaradda la soo afduubtay ay marka hore rasaas oodda uga qaaday xarunta wasaaradda arimaha gudaha oo ku taal magaalada Caracas, intaa kadibna ay masaafo hoose ku duushay oo ay bambaanooyin ku tuurtay xarunta maxkamadda sare, ayadoo laba kamid ah bambaanooyinka la sheegay in ay ku dhaceen illinta laga galo xarunta ee ay ilaalada joogto.

Madaxweynaha dalkaasi ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarka.
Weerarka ayaa kusoo beegmay ayadoo madaxweeynaha dalkaasi uu si toos ah khudbad uga jeediyay Tv ku hadla afka dowladda, islamarkaana ay warbaahintu xaadir ku ahayd xarunta madaxtooyada dalkaasi.

“Waxaan ku amarnay dhammaan ciidamada qalabka sida in ay sugaan ammaanka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Inta badan waxaa ka jiray dalka Venezuela dibadbaxyo ka dhan ah dowladda oo soconayay ku dhawaad laba bilood, iyada oo mudooyinkii u ddanbeeyay uu dalkaasi wajahay hoos u dhac dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda intaba.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.