Talaado, June 27, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan 40 guuradii ka soo
wareegatay markii xornimada ay qaadatay Jabuuti u diray dowladda iyo shacabka
reer Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxada la
qeybsanayaan walaalaha Jabuuti oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee
markii xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska.
“Waxaan hambalyo u dirayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ee walaalaheena ah,
oo u dabaal degaya maalintan qiimaha badan oo ah markii xoriyadda ka qaateen
gumeystihii Faransiiska”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray
Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhambaal u diray dhiggiisa Jabuuti, isagoo ugu
hambalyeeyay 40-guurada ka soo wareegatay maalinta Xornimada Jabuuti.
27 June sanadkii 1977 ayay aheyd markii Jabuuti ay xornimada ka qaadatay
Gumeystihii Faransiiska, waxaana Soomaaliya ka mid aheyd wadamada ka qeyb
qaatay, sidii Jabuuti ay u heli laheyd xornimada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]