Talaado, June 27, 2017 (HOL) – Iydoo 57-
sano ka soo wareegtay markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay gobollada
Waqooyi oo xoriyada ka qaatay gumeystihii Ingariiska, ayaa lagu waramayaa in
magaalada Hargeysa xalay lagu qabtay munaasabada lagu maamuusayay 26ka June.
Munaasabadda oo ka dhacday aqalka
madaxtooyada, ayaa waxa ka qayb galay madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha
madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Xisbiyada
siyaasadda iyo dadweyne kale.
Madaxweyne ku-xigeenka oo munaasabad ka hadlay ayaa si ku dheeraaday
halgankii adkaa ee loo soo gallay ka xoroobidii gumeystihii Ingariiska, isaga
oo dhinaca kala soo hadal qaaday halka ay ku danbeeyeen wada hadaladii ay la
lahaayeen dowladda Soomaaliya.
‘’Annaga waxaan diyaaru nahay in wada hadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland
socdo, annaga oo mar walba ujeedadeenu tahay in labo dal oo walaalo ah oo
Soomaaliya iyo Soomaaliland la yaraah ku heshiiyo walaalaheen’’ ayuu yiri
madaxweyne ku-xigeenka.
Laakiin marka la eego munaasabada ka dhacday xarunta madaxtooyda Hargeysa ayeey dad
badani aaminsan yihiin in aysan gaarsiineyn heerkii loo baahnaa marka la bar
bardhigo munaasabad loogu dalaab-dagayay 26ka June oo habeen hore lagu qabtay
xarunta dowladda ee hoose ee Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]