4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2017
Muran ka dhashay meydka gabar yar oo laga helay magaalada Laascaanood Sawirro

 


Talaado, June, 27, 2017 (HOL) – Ciidamda booliiska ayaa helay meydka Ilmo saddex sano jir ah magaalada Laascaanood, taa oo la waayay habeenimadii xalay sida uu sheegay Aabaha ilmaha dhalay.

Ilmahan yar ee meydkeeda la helay oo ah Gabar ayaa la sheegay in laga soo qaaday meel aan ka fogeyn guriga qoyska ay ka soo jeedo, waxaana Aabaha gabadhan dhalay oo lagu magacaabo Yaxye Muudey Hiiraan Online u sheegay in fiidkii uu u doonay Dawo gabadha hooyadeed oo Umul ahayd markii uu soo noqdayna loo sheegay in la la'yahay Gabadha.

"Habeenkii illaa saakay waxaan Baafinayney waxaana leyla soo hadlay 9: 30 saakay oo leygu wargeliyay in gabadhii oo meyd ah la helay, markii aan tagay goobta waxaan arkay gabadhii oo qabta dhaawacyo badan oo jirkeeda ku yaala" ayuu yiri Yaxye, waxaanu intaas raaciyay in aysan garaneynin ilaa iyo hadda cida dishay.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Maxamuud Axmed Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegay in gabadha la qashay, waxaana uu sheegay in gabadha yar la diley hasse ahaatee baaritaan lagu hayo sababta dilkaasi ka danbaysey.

"Ciidamada booliiska iyo Dhaqaatiirta ayaan u daba fadhinaa in ay cadeeyaan sababta kiiskan keentay, waana sugaynaa inta ay soo cadaynayaa" ayuu yiri gudoomiyuhu.

Falkan ayaa si weyn khalkhal u geliyey guud ahaan magaalada Laascaanood iyadoo ay dadku dareemayaan cabsi xoog leh maadaama wararka qaarkood sheegayaan in gadhahan la qashay..

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool