4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2017
Ciidamada dowladda AMISOM iyo Al-shabaab oo ku dagaalamaya gobolka Shabeellaha dhexe

 

Talaado, June, 27, 2017 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan militari siinayaan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo ciidamo kale oo caalami ah ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Dadka deegaanka ayaa warbaahita u sheegay in ciidamada huwanta ah weerar ku qaadeen deegaannada dhinaca Bari ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen. Caanood oo hoggaaminaya howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay saakay weerareen tuulooyin dhowr, islamarkaana sida uu hadalka u dhigay qaarkood kala wareegeen Al-shabaab.

Dadka deegaanka ee ku dhaqan Tuulooyinka u dhow dhow Jowhar iyo Mahadaay ayaa soo sheegaya in ay arkayeen cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal ay u gudbeen tuulooyin dhinaca Waqooyi bari ee gobolka.

Xaalada deegaannada lagu dagaalamay mid kacsan waxaana ka jira dhaqdhaqaaqyo militari oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]